Home WARARKA MAANTA Maxay Soomaaliya la tagtay Shirka Wasiirrada EAC?

Maxay Soomaaliya la tagtay Shirka Wasiirrada EAC?

10
0

Jimco 29, Nov 2024 {CBB}Magaalada Caruusha ee Caasimadda Tansaaniya waxaa ka dhacay kulan ay isugu yimaadaan Wasiirrada Dalalka Xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika ee loosoo gaabiyo EAC iyada oo diiradda lagu saaray arrimo gaar u ah Dalalkaas.

Soomaaliya waxaa ku metalay Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Axmed Macallin Fiqi, waxaana meertada 46aad si gaar ah looga hadlay gogol xaarka shirka ay isugu imaanayaan madaxda dalalkooda.

Sanad guurada 25aad ee laga joogo aasaaska Dallada Bulshada Bariga Afrika ayaa dhowaan la xusayaa, madaxda Dowladaha ururkaan ku bahoobay ayaa ka qaybgali doonna iyaga oo diiradda saaraya waxyaabaha u qabsoomay muddadii uu dhisnaa ururkaan.

Soomaaliya ayaa xubin buuxda ka noqotay Dalladaan iyada oo buuxisay shuruudihii la hordhigay, waxa ay door firfircoon oo degdeg ah ku yeelatay shirarka iyo kulamada muhiimka ah ee EAC sida ay sheegeen xubnaha kale ee Ururkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here