Jimco 29, Nov 2024 {CBB}Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle oo kaashaneysa Madaxda Dhaqanka ayaa ku howlan xal u helista dagaal beeleedyada & Dilalka la xiriira aanooyinka ee maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno ka kala tirsan Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.
Ciidan isugu jira Nabadsugid iyo Militari ayaa la howlgeliyay si xal waara loogu helo isku dhacyada beelaha, waxaa kulamada socda intooda badan looga arrinsanayaa sidii loo baajin lahaa dhiig cusub oo ay iska daadiyaan dhinacyadaan.
Hir-Shabeelle ayaa sheegtay in ay gacan adag ku qaban doonto dadka ka shaqeynaya isku dhacyada iyo iska hor keenidda beelaha Walaalaha, waxaa intaas dheer Dadka dilalka aanooyinka la xiriira geysta ee baxsada.
Go’aan adag oo salkiisu lagu adkeynayo kahortagga Dilalka ayay horay uwada gaareen Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle iyo Odoyaasha dhaqanka Beelahaas si loo ciqaabo cid weliba oo jabisha heshiisyadii horay loo gaaray.