Talaado 29 Sep 2026 {CBB}Ciidanka Federaalka Itoobiya ayaa qabsaday Magaalada Alamata ee dhacda Koofurta Tigray isla markaana 120 KM u jirta Magaalada Mekelle xarunta Ismaamulkaas sida ay ku warrameen ilo kala duwan oo xogtaan Warbaahinta la wadaagay.
Alamata oo ah Magaalo muhiim ah ayaa sii joogista Ciidanka Federaalka waxa ay sabab u noqon kartaa in ay joogitaan ay kusii yeeshaan Ismaamulka Tigray ee dhaca Waqooyiga Dalka Itoobiya sida ay sheegeen khubarrada ciidanka.
Magaaladaan waxa ay xuddun u noqon kartaa Sahayda iyo in si fudud loogu gurmado Ciidanka Federaalka si ay markale duullaan ugu qaadaan Magaalada Mekelle ee Caasimadda Ismaamulka Tigray oo dhowaan gacanta u gashay Xoogagga TPLF.
Hay’adda dabagasha dagaallada ACLED ayaa sheegtay in xaqiiqada ka jirta Magaalada Alamata ay tahay in ay gacanta ku hayaan Ciidanka Federaalka, waxa ay intaas ku dartay in magaaladaan ay muhiimad gaar ah u leedahay ciidankaas.
Colaadda Itoobiya oo hakad u gashay heshiisyo ay kuwada jireen dhinacyada isku haya Siyaasadda iyo Maamulka ayaa dhammaadkii todobaadkii tagay dib u soo noqotay iyada oo dagaalladu u qarxeen sidii folkaanadii oo kale.







