Talaado 29 Sep 2026 {CBB}Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas ICRC ayaa 161 qof ka daadgureeyay deegaannada ay colaadaha saameeyeen ee gobolka Tigray.
Dadkaan ayaa laga soo qaaday magaalada Mekelle, iyadoo la geeyay Semera oo ka tirsan gobolka Canfarta ee Itoobiya.
Sida ay sheegeen Guddiga ICRC dadka la daadgureeyay ayaa waxaa kamid ah saraakiil ka tirsan Booliska Federaalka Itoobiya iyo qoysaskooda, shaqaale ka tirsan shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines iyo eheladooda, saraakiil amniga duulista rayidka ah, kormeerayaal ka socda Midowga Afrika iyo xubno ka tirsan Laanqayrta Cas ee Itoobiya.
Dadka la daadgureeyay ayaa lagu qaaday basas ay ku xardhan yihiin astaanta Laanqayrta Cas, waxaana safarka ku wehelinayay shaqaale ka tirsan ICRC.
Hawlgalkan ayaa la fuliyay kaddib markii ay oggolaadeen dhammaan dhinacyada ay khusayso, iyadoo ujeeddadu ahayd in dadka ku sugan goobaha colaadaha ay saameeyeen loo fududeeyo inay gaaraan deegaanno ammaan ah.







