Talaado 29 Sep 2026 {CBB}Ku xigeenka Hay’adda Baarista Dambiyada ee Federaalka loona soo gaabiyo FBI, Andrew Bailey ayaa sheegay in uu xilkaas iska casilayo sababo uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo qoys inkasta oo uusan bixin faahfaahin dheer.
Bailey ayaa sheegay in uu dib ugu laabanayo gobolka uu ka yimid ee ehelkiisa ku nool yihiin ee Missouri halkaas oo uu kasoo galay hay’adda baarista Federaalka Maraykanka ee FBI sannadkii hore 2025 markaas oo uu ahaa Xeer ilaaliyaha Gobolkaas.
Is casilaaddiisa waxa ay kusoo beegmatay iyada oo buuq badan uu ka dhex jiro hay’adda FBI kaas oo suuragal ka dhigaya in xitaa qaarkood isbaddel degdeg ah lagu sameeyo mas’uuliyiin aan ilaa hadda la magacaabin xilkooda iyo derajadooda.
Waxa uu bogaadiyay madaxa ka sarreeya ee lagu magacaabo Kash Patel kaas oo loo badinayay in ugu yaraan ay is qabteen ugu dambayna is qabqabsigaas uu sababay in uu xilka isaga tago sida ay ku warrameen ilo kala duwan oo la hadlay warbaahinta gudaha.







