Talaado 29 Sep 2026 {CBB}Ciidamo katirsan kuwa Badda ee Maamulka Puntland PMPF ayaa howlgal ka dhan ah Kooxaha Burcad Badeedda oo gacanta ku hayay markabka lagu magacaabo Honour 25 oo la sheegay in uu u rarnaa Ganacsatada Deegaannada Maamulkaas.
Dagaalka oo sababay dhaawacyo soo kala gaaray ciidamada PMPF iyo kooxaha Burcad badeeda ayaa ugu dambayn waxaa ciidanka Badda Maamulka Puntland u suuragalay in ay soo furtaan Markabkaas sida laga soo xigtay saraakiil katirsan Ciidankii howlgalka fuliyay.
Awoodda Kooxaha Burcad Badeedda ayaa hoos u dhacday, Maraakiibtii ay afduubka kusoo qabsadeen ayaa intooda badan si awood ah gacantooda looga saaray iyada oo dhimasho iyo dhaawac la isugu daray, waxaana intaas dheer in qaarkood maxaabiis ahaan loo xiray.
Waa howlgalkii labaad ee Ciidamada Badda Maamulka Puntland ee PMPF ku beegsadeen Kooxaha Burcad Badeeda kana soo furteen markab u afduuban muddo todobaad ah, waxa ay tani meesha ka saartay lacagihii ay dalbanayeen Kooxahaas.
Saldhigyada ugu weyn ee Kooxaha Burcad Badeedda ka duullaan tagaan kuna haystaan Maraakiibta waa Maamulka Puntland, waxaana hadda socda howlgallo uu Maamulkaas ku sheegay in uu kusoo afjarayo Kooxahaas.







