Home WARARKA MAANTA Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo raalligelin ka bixiyay askari uu ku feeray...

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo raalligelin ka bixiyay askari uu ku feeray xarunta Baarlamaanka

9
0

Sabtii 30, Nov 2024 {CBB}Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil ayaa raalligelin ka bixiyay gacan qaad uu ku sameeyay askari katirsan Booliiska ilaaliya xarunta Villa Hargeysa oo si kumeel-gaar ah ugu shiro Baarlamaanka 11aad JFS 27kii Bishaan 2024.

Feerka ayaa yimid kaddib markii Xildhibaanno uu kamid ahaa Xasan Cabdi Ismaaciil ay isku dayeen in ay is hor istaagaan guddiga loo xilsaaray Doorashooyinka iyo Soohdimaha oo ugu dambayn la ansixiyay.

Askariga oo isku dayay in uu dhexdhexaadiyo Xildhibaanno murankooda fogaado ayaa ugu dambeyn Xildhibaan Xasan Cabdi waxa uu askarigaas ku dhuftay Feer dhaawac gaarsiiyay, waxaa la geeyay mid kamid ah Goobaha Caafimaadka ee Magaalada Muqdisho.

“Waan raalli galinayaa Askariga aan feerka ku dhuftay” Sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Xasan Cabdi Cabdi oo katirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiin katirsan Labada Gole ee Baarlamaanka, Taliska Booliiska oo uu katirsan yahay Askarigaan iyo xubno kale ayaa ku booqday goobta Caafimaad ee loo geeyay askarigaas in looga daweeyo dhaawaca uu u geystay Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here