Isiin 2 Nev 2026 {CBB} Switzerland: Kulan ay isugu yimaadeen xubno ka tirsan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Switzerland, kaas oo looga soo horjeeday maamulka Hirshabelle, laguna muujinayay taageerada Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan, ayaa lagu qabtay dalkaasi.
Ka qeybgalayaasha kulanka ayaa soo bandhigay mowqifkooda ku aaddan xaaladda Hirshabelle, iyagoo muujiyay taageerada ay u hayaan Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan, kana hadlay arrimaha siyaasadeed iyo kuwa dhaqanka ee ka taagan deegaanada maamulkaasi.








