Home WARARKA MAANTA Turkiga oo dadaal xooggan ugu jira in uu ka mid noqdo dalalka...

Turkiga oo dadaal xooggan ugu jira in uu ka mid noqdo dalalka hormuudka ka ah sahminta hawada sare.

1
0

Arbaco 4 Nov 2026 {CBB}Turkiga ayaa dadaal xooggan ugu jira inuu ka mid noqdo dalalka hormuudka ka ah sahminta hawada sare, isagoo horumariyey awoodda uu ku farsameeyo dayax-gacmeedyada, isla markaana qorsheynaya inuu dayax-gacmeed u diro Dayaxa.

Warbixin ay daabacay warbaahinta Middle East Eye ayaa sheegtay in Ankara ay Soomaaliya ka dhisayso xarun laga diro gantaallada hawada sare, taas oo laga hirgelinayo deegaanka Warsheekh, qiyaastii 70 KM waqooyi ka xiga Muqdisho.

Goobta Soomaaliya ayaa Turkiga u leh muhiimad istaraatiiji ah, maadaama ay u dhowdahay dhulbaraha, taas oo fududeynaysa dirista gantaallada, yareynaysa shidaalka loo baahan yahay, isla markaana suuragelineysa in la qaado qalab culus.

Turkiga ayaa sidoo kale doonaya in xaruntaasi ay noqoto marin uu si madax-bannaan hawada sare ugu diro dayax-gacmeedyadiisa, isaga oo aan ku tiirsanaan shirkadaha iyo xarumaha dalalka kale.

Wasiirka Warshadaha iyo Tiknoolajiyadda Turkiga, Mehmet Fatih Kacır, ayaa sheegay in mashruucu uusan kaliya dan ugu jirin dalkiisa, balse uu qayb ka yahay iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga, isagoo xusay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ka shaqeyn doonaan xarunta.

Dhinaca kale, khubarada ayaa sheegay in mashruucu Soomaaliya u horseedi karo fursado dhaqaale iyo horumar tiknoolajiyadeed, balse ay muhiim tahay in la caddeeyo heshiisyada, lahaanshaha dhulka, isticmaalka hawada iyo qaybsiga dakhliga ka soo xarooda.

Turkiga ayaa xaruntan u arka tallaabo muhiim ah oo ka mid ah qorshihiisa fog ee ku aaddan inuu yeesho awood madax-bannaan oo uu ku sahmiyo hawada sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here