Home WARARKA MAANTA Wasiirka arrimaha gudaha koonfur galbeed oo sheegay in deegaannada ay AS haystaan...

Wasiirka arrimaha gudaha koonfur galbeed oo sheegay in deegaannada ay AS haystaan laga xoreyn doono

15
0

Arbaco 4 Nov 2026 {CBB}Baydhabo: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed, Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan, ayaa sheegay in deegaannada ay As  gacanta ku hayaan ee ka tirsan Koonfur Galbeed si degdeg ah looga xoreyn doono.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladda ay ka go’an tahay dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed, isagoo carrabka ku adkeeyey in qorshaha xoreynta deegaannadaasi uu yahay mid mudnaan gaar ah leh.

“Dowladda Koonfur Galbeed waxaa ka go’an in deegaannada ay Khawaarijtu la wareegeen sida ugu dhaqsaha badan looga xoreeyo,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Koonfur Galbeed.

Wasiirka ayaa hadalkan ku muujiyey mowqifka dowladda ee ku aaddan dadaallada amniga iyo dib u soo celinta maamulka deegaannada ay kooxahaasi gacanta ku hayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here