Arbaco 4 Nov 2026 {CBB}Baydhabo: Hoggaamiyaha Dowladda Gobleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo looga hadlay xaaladda amniga guud ee deegaannada Koonfur Galbeed, horumarinta ganacsiga iyo qorshaha horumarinta dowladda ee shanta sano ee soo socota.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga, iyadoo Golaha Wasiirradu ay falanqeeyeen sidii loo sii xoojin lahaa nabadda iyo xasilloonida, loona dardargelin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha amniga si loo sugo badbaadada shacabka iyo hantidooda.
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ku adkeeyey hay’adaha dowladda muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta iyo laba-jibbaaridda dadaallada lagu xaqiijinayo amni waara oo saldhig u noqda horumarka iyo kobaca dhaqaalaha.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa ka dooday horumarinta ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan dhiirrigelinta ganacsatada, abuurista jawi ku habboon maalgashiga, ballaarinta fursadaha shaqo-abuurka iyo xoojinta doorka ganacsiga gaarka loo leeyahay.
Intii uu socday shirka, waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay laguna falanqeeyey Qorshaha Horumarinta Dowladda Koonfur Galbeed ee shanta sano ee soo socota, kaas oo ay diyaarisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.
Qorshahan ayaa dejinaya jihada horumarineed ee dowladda, mudnaanta adeegyada bulshada, kobcinta dhaqaalaha, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo tayeynta hay’adaha dowliga ah.
Ugu dambeyn, Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa Golaha Wasiirrada iyo hay’adaha dowladda ugu baaqay inay dardargeliyaan waajibaadka loo igmaday, xoogga saaraan hirgelinta qorshayaasha dowladda, isla markaana kor u qaadaan tayada adeegyada bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha si shacabka Koonfur Galbeed ay uga faa’iideystaan.




