Home WARARKA CAALAMKA Canada oo si KMG ah u hakisay qaadista Qaxootiga & codsiga kooxaha...

Canada oo si KMG ah u hakisay qaadista Qaxootiga & codsiga kooxaha shanta ah ee (Group Five)

10
0

Axad 01, Dec 2024 {CBB}Dowladda Canada ayaa ku dhawaaqday in si kumeel-gaar ah ay u joojisay barnaamijka lagu qaado Qaxootiga iyo shanta ruux ee kafaalo qaadka u sameyso dadka uu keenayo mid kamid ah ehelka kooxdaas ee loo garanayo (Group Five).

Waqtiga xayiraaddaan socon doonto waa ilaa 31ka Deseembar 2025ka, Culeys badan oo dhanka dhaqaalaha ah, diyaargarowga Koobka Adduunka, Cariiriga Guryaha & xaalado kale ay jiraan ayaa loo sababeynayaa go’aan degdega ah.

Dadka ay diiday in ay muddadaas ku qaadato Dowladda Canada waa kuwa cusub balse kuma jiraan Dadkii horay howshoodu u socotay ee qaarkood gabagabadu u tahay iyo kuwa kale ee arrintoodu gashay diiwaanka Waaxda Qaxootiga.

“Si loo helo hubanti dheeraad ah oo la xiriirta qaxootiga la keenayo, iyo kafaala qaadayaasha, waaxda socdaalka, qaxootiga iyo dhalashada Canada (IRCC) waxay si ku meel gaar ah u joojisay qabashada codsiyada cusub ee kooxaha shanta ah (Group five) iyo kafaala qaadayaasha barnaamijka bulshada ee hoos imaanaya barnaamijka PSR laga bilaabo Noofambar 29, 2024” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Canada.

Dalkaan dhaca Waqooyiga Qaaradda Ameerika ayaa dhowaan wajahaya xaalado kala adag sida doorashada guud ee Dalkaas ka dhaceysa sanadka soo socoda 2025 iyo sanadka xiga ee 2026 oo Dalkaan martigelin doonno Koobka Adduunka.

Dadka ka faa’iideystay ee Canada ku galay barnaamijkaan sida kumeel-gaarka ah loo hakiyay iyo kuwa howshoodu socoto waxaa kamid ah Soomaali dalkooda hooyo isaga tagtay kaddib markii ay saameyn taban ku reebeen xaaladihii Dalka uu soo wajahay.

40kii sano u dambeeyay Canada waxa ay qaadatay Qaxooti badan iyo Dad kale oo ehelkooda u dacwoodeen kuwaas oo haatan qaarkood jooga gudaha Dalkaas halka qaar kale weli shaqadoodu socoto sida ay sheegeen ilo kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here