Sabtii 7 Nov 2026 {CBB}Cutubyo ka tirsan Guutada 22-aad ee Qaybta 1-aad Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dalka Turkiga loogu qabtay munaasabad qalin-jebin ah, kaddib markii ay soo dhammeysteen tababar ciidan oo lagu tayeynayay aqoontooda iyo xirfadahooda milatari.
Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo awoodda iyo hufnaanta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan cutubyada Kumaandooska Gorgor.







