Isniin 9 Nov 2026 {CBB}Guutada 22aad ee Kumaandooska Xoogga Dalka ee Gorgor oo dhawaan tababar kusoo dhammaystay Jamhuuriyadda Turkiga ayaa maanta kusoo wajahan Magaalada Muqdisho sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.
Ciidankaan ayaa la sheegay in ay tiradoodu gaarayso 5,000 oo Askari inkasto aan la xaqiijin in maanta guud ahaan lawada keenayo iyo maalmo ay qaadanayso soo daabulistooda iyada oo la diyaariyay goobaha la dejinayo ciidamadaas.
Diyaaradaha Militariga Jambuuriyadda Turkiga oo markii hore dalka looga qaaday Ciidanka Kumaandooska Gorgor gaar ahaan Guutada 22aad ayaa dib loogu soo daabulayaa iyada oo loo diyaariyay Gaadiidkii lagu daabuli lahaa Ciidankaas.
Ciidamadaan waxa ay qayb ka noqonayaan Qorshaha Dowladdda Federaalka Soomaaliya ay ugu diyaargaroobayso la wareegista mas’uuliyadda Amniga Dalka maadaama ay baxayaan Ciidanka Midowga Afrika ee AUSSOM.







