Isniin 9 Nov 2026 {CBB}Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu sabab u yahay xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay xaaladaha Koonfur Galbeed iyo Gobolka Hiiraan.
Odawaa ayaa sheegay in Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) uusan dooneyn inuu duurka galo, balse tallaabooyinka Madaxweyne Xasan Sheekh ay ku qasbeen inuu xaaladdaas galo.
Sidoo kale, xildhibaanka ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu sabab u yahay tabashada xooggan ee Ugaaska Beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.
“Cabdicasiis Lafta-gareen waxa duurka geliyay waa Xasan Sheekh, ee duurka ma uusan rabin. Ugaaska Xawaadle wixii ka oohsiiyay waa Xasan Sheekh,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa.
Hadalka Odawaa ayaa kusoo aadaya xilli ay cirka isku shareereen khilaafaadka siyaasadeed ee dowladda Federaalka kala dhexeeya dhinacyada mucaaradka ah iyo hoggaanka dhaqanka ee Gobolka Hiiraan.







