Isniin 9 Nov 2026 {CBB}Agaasimihii hore ee NISA ahna Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo xusuusiyay taariikhdiisii siyaasadeed iyo xilligii uu Muqdisho ka sameystay jabhad hubeysan oo dowladda Soomaaliya la dagaallantay.
Sanbaloolshe oo ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee dalka ka taagan ayaa sheegay in Xasan Sheekh uusan ka xishoon inuu sameeyo wixii uu doonayo, sidaas darteedna aysan iyaguna ka laaban doonin mowqifkooda iyo go’aankooda siyaasadeed.
“Xasan Sheekh kama xishoon inuu waxa uu rabo sameeyo, innaguna kama xishoonayno inaan waxa aan rabno samayno. Sow ma ahayn Xasan Sheekh ninkii Muqdisho jabhad ka samaystay, dowladda Soomaaliya la dagaallamay, ugu dambayna Madaxweyne ku noqday dowladda,” ayuu yiri Sanbaloolshe.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay inaysan ka liidanayn Madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana aysan aqbali doonin in lagu cabsi geliyo dhacdooyin hore dalka uga dhacay.
“Wallaahi Xasan Sheekh kama liidanayno, lamana aqbali doono in cid kale lagu cabsi geliyo wax horey dalkan shan sano ka hor uga dhacay. Qadiyaddeenna marnaba kama tanaasuli doonno, go’aankeenna waa mid cad, dibna loogama laabanayo,” ayuu yiri Xildhibaan Sanbaloolshe.
Hadalka Sanbaloolshe ayaa kusoo aadaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhinacyada mucaaradka ku ah, gaar ahaan xiisadda ka taagan magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.







