Talaado 3 Dec 2024 {CBB}Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa July 31, 2024-ka kulankoodii 9aad kalfadhigiisii 5aad ku ansixiyay, sharciga ilaalinta xaquuqda naafada qaranka Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Golaha shacabka BFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo shir guddoomiyey kulankaas ayaa mudanayaasha ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan ansixinta hindise sharciyeedkaan.
Guddiga xaquuqul insaanka, haweenka iyo arrimaha bini’aadantinimada golaha shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS ayaa aqrinta koowaad, labaad iyo saddexaad ee hindise sharciyeenkaan ka hor aqriyay xildhibaannada.
Kaddib dood dheer, falanqeyn iyo talooyin ay is weydaarsadeen xildhibaannada golaha shacabka waa la meelmeriyay hindise sharciyeedka xaquuqda naafada qaranka Soomaaliyeed, sida uu gaddoomiye Sheekh Aadan Madoobe xiligaas sheegay, waxaa kooramka ay ku fadhiyeen 141 mudane, waxaa ogolaaday 135 Xildhibaan, 4 ayaa diiday halka ay ka aamuseen 2 kale.
Golaha shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS ayaa July 31, 2024-ka u gudbiyay mudanayaasha golaha aqalka sare in ay ansixiyaan hindise sharciyeedka ilaalinta xaquuqda naafada si ay u gutaan wajibkooda dastuuriga ah ee ka saaran.
28 Oktoobar 2024-ka ayaa golaha Aqalka Sarre ansixiyeen sharciga xaquuqda naafada qaranka Soomaliyeed oo si lamid ah aqrinta 1aad, 2aad & 3aad mariyeeen Senatarrada aqalkaas sida uu xiligaas sheegay shirguddoonkooda.
Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegey in kulanka ay soo xaadireen 24 Senator dhammaantoodna ay soo dhaweeyeen ansixinta sharciga naafada qaranka Soomaaliyeed sidaasina uu ansax dhankooda uga noqday.
Intaas kaddib, Guddoomiyaha hay’ada naafada qaranka Soomaaliyeed Maxamed Jaamac ayaa labada gole ee BFS uga mahad celiyay ansixinta ay ku sameeyeen sharciga ilaalinaya isla markaana ay ku helayaan xuquuqda ka maqan.
Waxa uu ku tilmaamay in ay tallaabadaas ay tahay guul usoo hoyatay muwaadiniinta Soomaaliyeed gaar ahaan Dadka Naafada ah mar haddii labada Gole ee Baarlamaanka ee Shacabka & Dowlad-Goboleedyada wakiilka ka ahaa ansixiyeen sharciga ilaalinta naafada qaranka Soomaliyeed.
Maxaan ka ognahay Sharciga ilaalinta Xaquuqda Naafada qaranka Soomaaliyeed
Sharcigaan waxa uu ka kooban yahay 16 bog, 8 cutub & 39 qodob oo dhammaantood si faahfaahsan uga hadlaya xuquuqda uu leeyahay qofka muwaadinka ah ee naafada ah si qofkii ugu xadgudba ay u qabtaan qodobadaan una helaan xuquudooda ka maqan.
Cutubka 1aad: ayaa marka hore lagu sheegey magaca sharciga oo ah ilaalinta xaquuqda naafada qaranka soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa lagu sharaxay erey bixinada magacaas.
“Naafo waxaa loola jeedaa qof kasta oo awood la’aan ka ah xubin ama xubno kamid ah jirkiisa, saameyna ku yeeshey xubnaha jirkiisa, awoodda jirkiisa maskaxdiisa iyo dareenkiisa.”
Sidoo kale qodobkaan ayaa lagu sheegey ujeedada laga leeyahay sharcigaan oo ah ilaalinta, dhowrista xaquuda naafada Soomaaliyeed iyo daryeelkoodda.
Cutubka 2aad: ayaa si faahfaahsan looga hadley xaquuqda gaarka ah ee uu leeyahay qofka naafada waxaana kamid ah xaquuqahaas:
Xaqqa nolosha, Xaqqa sinnaanta, xaqqa ka qeybgalka siyaasadda iyo maamulka, xaqqa badbaadada iyo nabad galinta naafada, xaqqa daryeelka, xaqqa helida adeegyada guud, xaqqa dacwada sidoo kale dowladda ayaa canshuur dhaaf u sameyneyso agabyada iyo gaadiidka ay leeyahiin dadkaas naafada ah.
Cutubka 3aad: ayaa looga hadley awoodsiinta naafada isticmaalka deegaan aan caqabad ku ahayn iyo ka hortagga is baddelka cimilada oo ay hoos imaanayan dhismiyaasha danta guud iyo adeegyada gaadiidka, war isku tabinta naafada, wax ka baddelida manaahijta waxbarashada, xeerarka halbeegga dhismooyinka danta guud, ka hortaga iyo ka warcelinta xaaladaha degdega ah ee ka dhasha is baddelka cimillada iyo colaadaha saameynta ee ku leeyahiin dadka naafada ah.
Cutubka 4aad: ayaa isagana looga hadley diiwaangalinta, tababarida, shaqaaleysiinta iyo waxbarashada naafada oo ay hoos imaanayan qodobada diiwaangalinta naafada:
Helidda waxbarasho bilaash ah
Ka qeybgalka waxbarashada waliba si takoor la’aan ah
Mudnaanta fidinta waxbarashada naafada,
Hirgalinta xarumo iyo macaahid gaar ah.
Tababarrida naafada:
Takoor la’aanta naafada ee shaqo qorista.
Ka qeybgalka fursadaha shaqo.
Cutubka 5aad: ayaa looga hadley daryeelka caafimaad iyo awoodsiinta naafada oo ay hoos imaanayan qodobada kala ah.
Diwaangalinta nooca naafanimada iyo sababta keentay.
Ka hortaga wax kasta oo keeni karo naafanimo.
Hor u garashada naafanimada caruurta yaryar iyo dadka da’da ah.
Gargaar iyo daaweyn degdeg ah ee qofka naafada ah.
Ufidinta dadka naafada ah adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah.
Daaweynta iyo ciribtirka cudurrada & waxyaabaha sababo naafanimada. Sidoo kale dowladda ayaa diyaarineyso siyaasad la xariirta awood siinta iyo tayayna dadka naafada ah.
Cutubka 6aad: awoodda ay u leeyahiin ka qeybgalka naafada ee arrimaha bulshada, dhaqanka, madadaaladda iyo ciyaaraha.
Cutubka 7aad: ayaa looga hadlay dambiyada reeban ee an lagula dhaqmi karin qofka naafada ah sida: in la takooro, hadii lagula kaco falalkaas reebanna ay la kulmi doonaan ciqaab.
Cutubka 8aad: cutubka ugu dambeeya ayaa lagu sheegay in ilaalinta sharcigaan ay mas’uuliyadeeda leedahay hay’ada ilaalinta xaquuqda naafada qaranka Soomaaliyeed.
Markii ugu horeysay ayay Dowladda Federaalka Soomaaliya yeelaneysaa sharci ilaalinaayo xaquuqda naafada qaranka Soomaliyeed, kaddib markii uu saxiixo madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo la filayo in uu dhawaan saxiixo, marka uu qallinka ku duubo Madaxweynaha waxa uu noqonaya mid rasmi ah maadaama faafinta rasmiga ah lagu soo saar