Home WARARKA MAANTA DFS oo sheegtay in Jarmalka uu aqoonsaday Baasaboorka diblomaasiga Soomaaliya.

DFS oo sheegtay in Jarmalka uu aqoonsaday Baasaboorka diblomaasiga Soomaaliya.

0
2

Arbaco, 3 Dec, 2025 {CBB}Dowladda Jarmalka ayaa si buuxda u aqoonsatay baasaboorka diblomaasiga ee Soomaaliya, iyadoo hadda loogu oggol yahay gelitaan iyo deggenaansho Jarmalka, halkii hore looga aqoonsan jiray marka laga baxayo oo kaliya.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in tani ay caddeyn u tahay horumarinta dukumentiyada safarka, adeegyada socdaalka, iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Jarmalka

Tallaabadan ayaa muhiim u ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo fududeynta socdaalka labada dal sida ay sheegtay Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here