Arbaco, 3 Dec, 2025 {CBB}Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray kaga hadlay tacadiyada joogtada ah ee ka dhacaya magaalada Muqdisho, gaar ahaan beegsiga bulshada danyarta ah iyo barakicinta si loo banneeyo dhul ay ku doodayaan in sharci-darro lagu boobayo.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Muqdisho ay wali ka socdaan tacadiyo baahsan oo lagula kacayo shacabka danyarta ah, iyadoo ciidanka Qaranka loo adeegsanayo barakicinta dadka si xoog ah.
Xisbiga Himilo Qaran wuxuu sheegay inuu ka war-helay in shaqsiyaad heysta ogolaansho ka yimid Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ay ku howlan yihiin dhulboob hor leh oo ka dhacay meelo ka baxsan goobihii ay deganaayeen shacabka.
Xisbiga ayaa muujiyey in ay la yaab ku noqotay damiir la’aanta iyo ku tagrifalka maamulka dowladda, gaar ahaan markii ciidankii loo adeegsanayay amniga lagu arkay in lagu cabburinayo shacabka danyarta ah ee la barakicinayo, kuwaas oo mar horeba ka cabanayay boobka dhulka iyo sharci-darrada ka jirta magaalada.
Sidoo kale, Xisbiga Himilo Qaran ayaa tilmaamay cabasho ka timid saraakiil ka tirsan ciidamada iyo qoysaskooda oo ku nool degmooyinka Xamar-Jajab iyo xaafadaha Sarandi, Sheelare, Buula-weekiyo iyo Fardoley, kuwaas oo sheegay in barakicinta xoogga ah ee socota ay muujinayso in Madaxweynaha uu dhaafay xayndaabka dowladda, kuna tillaabsaday ficillo ka dhan ah muwaadiniinta iyo ciidanka Qaranka ee u adeegaya shacabka.
Ugu dambeyntii, Xisbiga Himilo Qaran ayaa ugu baaqay dowladda inay joojiso tacadiyada, dib u eegto habka maamulka dhulka, isla markaana ay joojiso adeegsiga ciidanka Qaranka ee loogu tagrifalayo barakicinta shacabka Soomaaliyeed ee danyarta ah. Xisbiga ayaa sidoo kale ku baaqay wadashaqeyn bulsho oo looga hortago dhulboobka sharci-darrada ah ee khatarta ku haya nabadgalyada iyo xasilloonida caasimadda.




