Khamiis 12 Nov 2026 {CBB}Baraawe – Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Baraawe ee caasimadda Dowladda Koonfur Galbeed.
Soo dhaweynta Hoggaamiyaha waxaa ka qeybgalay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed, Xildhibaanno, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Guddoomiyaha Degmada Baraawe, saraakiisha hay’adaha amniga, odayaasha dhaqanka iyo boqollaal ka mid ah shacabka magaalada.
Socdaalka Hoggaamiyaha ayaa la xiriira u kuurgelidda xaaladda guud ee magaalada, qiimeynta amniga iyo ogaanshaha baahiyaha ay qabaan shacabka, gaar ahaan dhinacyada adeegyada bulshada, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo arrimaha kale ee muhiimka u ah nolosha bulshada.
Inta uu ku sugan yahay Baraawe, Hoggaamiyaha iyo wafdigiisa ayaa kulamo iyo wadatashiyo la yeelan doona maamulka deegaanka, saraakiisha amniga, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo dhageysto tabashooyinka shacabka loona qiimeeyo xaaladaha ka jira magaalada.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed uu ku doonayo inuu si dhow ula socdo xaaladaha deegaannada kala duwan ee maamulka, isla markaana uu dardargeliyo qorshayaasha lagu horumarinayo adeegyada aasaasiga ah, xoojinta amniga iyo wada shaqeynta maamulka iyo bulshada.








