Home WARARKA MAANTA Muxuu yahay codksiga ay Saraakiisha dowladda hor dhigeen mucaaradka?

Muxuu yahay codksiga ay Saraakiisha dowladda hor dhigeen mucaaradka?

1
0

Khamiis 12 Nov 2026 {CBB}Labadii habeen ee ugu dambeeyay magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulamo albaabada u xiran yihiin warbaahinta ay dibad joog ka tahay, kuwaas oo u dhaxeeyay Taliyaasha ciidamada dowladda iyo Mucaaradka.

Kulankii ugu horreeyey ayaa ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka degan yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehlinayeen; Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre iyo CCW, dhanka dowladda waxaa uga qeyb galay Taliyaasha; Xoogga, NISA, Booliiska, iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada.

Saraakiisha oo fariin ka siday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la wadaagay mucaaradka iyaga oo ku baaqay in ay ka soo wada qeyb galaan gogosha uu fidiyay madaxweynaha ee loo modlan yahay bartmaha bishaan.

Mucaaradkaan oo ku midaysan Madasha Samatabixin, ayaa kulankooda diiradda ku saaray sidii loo xoojin lahaa wada-hadalka siyaasadeed, loona abuuri lahaa jawi horseeda is-afgarad ku saabsan arrimaha amniga iyo mustaqbalka doorashooyinka dalka.

Saraakiisha iyo Golaha Mustaqbalka ayaa isla afgartay sidii ay ugu midoobi lahaayeen sugidda amniga, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyo ka qeyb qaadasha doorasho nabdoon oo ka maran qalalaaso siyaasadeed.

Habeenka lababaad Taliyaasha ayaa hoyga uu Muqdisho ka dagan yahay ku booqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyaga oo la wadaagay codsiga madaxweynaha ee ka qeyb galka gogosha.

Farmaajo ayaa soo dhaweeyay codsiga madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ka codsaday saraakiisha ciidamada in gogosha noqota mid ay ka soo muuqdaan dhammaan mucaaradka, waxa uu kale codsaday in la sii wado wadahadalladii ay sii wadeen beesha caalamka.

Kulamadaan ayaa salka ku haya cabsi laga qabo in ay baaqato gogosha uu fidiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ka gadaal markii ay diidmo muujiyeen Golaha Mustaqbalka oo ay ku midaysan yihiin mucaaradka ugu badan, tani waxa ay keentay in saraakiishaan ay sii xoojiyaan baaqa madaxweynaha.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa bishii hore ku dhawaaqay in dalka aaday doorasho, waxa uu guddiga shaaciyay xilliga ay dhacayaan doorashada Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha oo ay u asteeyeen qabasahdeeda May 15, 2027.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here