Khamiis 12 Nov 2026 {CBB}Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa sheegay in dalkiisa lacago iyo taageero ku helo howlgallada dhinaca amniga ee ay ku joogaan gudaha Soomaaliya.
Ruto oo uu qoraal ku baahiyay bartiisa X uga hadlay taageerada dalkiisa ka helo Midowga Yurub ayaa xusay in dalalka ururkaasi ka tirsan yihiin kuwa ugu badan ee ay wax u dhoofiyaan
Wuxuu sidoo kale xusay in lacag dhan 20 milyan oo Yuuro ay Midowga Yurub ku taageereen xoojinta Ciidamada Difaaca Kenya.
Isagoo sii hadlaya wuxuu tilmaamay in Midowga Yurub uu lacago kale ku bixiyo howlgallada nabad ilaalinta ee ka socda dalal ay kamid tahay Soomaaliya.
Hadalka Ruto ayaa ku soo aadaya xilli Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM uu wajahayo dhaqaale la’aan, isla markaasna Ciidamada Uganda ay ka baxayaan Soomaaliya wixiii ka dambeeya 2027.







