Home WARARKA MAANTA Sawriro;-MW Xasan Sheekh “Hal dollar oo ka-hortagga musiibooyinka lagu bixiyo wuxuu badbaadin...

Sawriro;-MW Xasan Sheekh “Hal dollar oo ka-hortagga musiibooyinka lagu bixiyo wuxuu badbaadin karaa $15 oo khasaaraha dabadiis”

1
0

Khamiis 12 Nov 2026 {CBB}Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Koonfureed, laga saadaalinayo El Niño xooggan oo saameyn ku yeelan kara nolosha in ka badan 3.4 milyan oo qof.

Xasan Sheekh ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay Soomaaliya kala shaqeyso ka-hortagga iyo wax ka qabashada saameynta la filayo ee El Niño, isagoo xusay in hal dollar oo ka-hortag ah uu badbaadin karo 15 dollar oo lagu bixin lahaa wax ka qabashada khasaaraha ka dhasha musiibooyinka.

“Soomaaliya gaar ahaan Koofurta waxaa la saadaalinaya El nino xooggan, oo saameyn karta Nolosha in ka badan 3.4 Milyan oo ruux, dhacdadaasi la tacaalideeda waa in dunida nagala shaqeysaa,” ayuu yiri MW Xasan Sheekh.

Sida ay sheegayaan Hay’adaha Saadaasha hawada Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka laga filan karo daadadka ay sababto Elnino oo markii ugu dambeysay dalka lagu arkay sannadkii 2023.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here