Sabtii 14 Nov 2026 {CBB}Dowladda Turkiga ayaa beenisay warar muddooyinkii dambe aad loo hadal hayay oo ah in ay Soomaaliya usoo dirayso ciidamo gaaraya 15,000 oo Askari kuwaas oo billowga sannadka soo socda 2027 buuxinaya kaalinta Ciidanka Midowga Afrika ee AUSSOM oo la filayo in ay dalka ka baxaan.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga, Rear Admiral Zeki Aktürk ayaa waxba kama jiraan ka dhigay wararkaas waxaana uu tilmaamay in Xukuumadda Ankara ay dhiggeeda Muqdisho ka caawinayo tababarrada Ciidamada, qalabaynta iyo tayaytooda si ay ula wareegaan mas’uuliyadda Amniga Dalkooda sida uu hadalka u dhigay.
Zeki Aktürk waxa uu sheegay in ay jiraan heshiisyo Militari oo ka dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga balse aan qayb ka ahayn in ciidankaas la geeshay ee 15ka kun ah Dowladdiisu ay u dirto Soomaaliya si ay saldhigyo cusub oo amni ugu samaystaan goobaha ay hadda joogaan Ciidanka Afrikaanka ah ee la sheegayo in ay baxayaan.
Turkiga waxa uu Soomaaliya u tababaray Ciidamo isugu jira Kumaandooska Gorgor iyo Booliiska gaarka u tababaran ee Haramcad, waxaa hadda tababar uu u socdaa Ciidamo kale oo loo carbinayo in ay la wareegaan mas’uuliyadda Amniga Dalka si looga maarmo ku tiirsanaanta Ciidanka Shisheeye sida hadalka loo dhigay.







