Sabtii 14 Nov 2026 {CBB}Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay walaac ay khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay ka muujiyeen xaaladda garsoorka dalka, gaar ahaan xil-ka-qaadistii Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed.
Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga jawaabtay qoraal ay 12-kii Nofeembar 2026 soo saareen khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay, kuwaas oo walaac ka muujiyay xaaladda garsoorka iyo tallaabadii xilka looga qaaday guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare.
Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in khubarada Qaramada Midoobay aysan marka hore dowladda ka dalban faahfaahin ku saabsan eedeymaha ay soo bandhigeen, isla markaana aysan soo gudbin qodobada ay doonayeen in dowladda ay ka jawaabto.
War-saxaafadeedka Wasaaradda ayaa lagu sheegay in xilka Baashe Yuusuf Axmed laga qaaday 4-tii Nofeembar 2026, iyadoo dowladda ku adkeysatay in go’aankaas loo maray habraacii ku-meelgaarka ahaa ee dalka, isla markaana uusan wax xiriir ah la lahayn dacwadihii ka socday Maxkamadda Sare.
Dowladdu waxay sidoo kale sheegtay in go’aannadii uu Baashe Yuusuf soo saaray kaddib markii xilka laga qaaday aysan u aqoonsanayn go’aanno sharci ah oo ka soo baxay Maxkamadda Sare, iyadoo ku sababeysay inuusan xilligaas sii haysan xilkii guddoomiyenimo.
Sidoo kale, dowladda ayaa ku adkeysatay in go’aannadaasi aysan wax saameyn sharci ah ku yeelan karin Dastuurka 2026, taas oo muujineysa inaysan aqbalayn go’aannadii Maxkamadda Sare ee la xiriiray wax-ka-beddelka dastuurka iyo muddo-xileedyada hay’adaha dowladda.
Ugu dambeyn, Wasaaradda Cadaaladda ayaa sheegtay in dowladda ay ka go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida garsoorka iyo kala madaxbannaanida hay’adaha dowladda, iyadoo xustay in khilaafaadka la xiriira garsoorka lagu xallin doono habraacyo sharci iyo kuwo hay’adeed.
Jawaabta dowladda ayaa imaneysa xilli uu weli taagan yahay khilaafka ka dhashay xil-ka-qaadista Baashe Yuusuf Axmed, kaas oo tallaabadaas sharci-darro ku tilmaamay, halka go’aannadii Maxkamadda Sare ee uu hoggaaminayay ay dowladda Federaalka diiddan tahay.







