Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo sagootiyey Taliyaha Guutada 45-aad ee AUSSOM

Sawiro;-Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo sagootiyey Taliyaha Guutada 45-aad ee AUSSOM

1
0

Sabtii 14 Nov 2026 {CBB}Baydhabo: Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka  Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan mahadcelin iyo sagootin ah la qaatay Col. Dr. Justus Musenene, Taliyaha Guutada 45-aad ee Ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Kulanka ayaa looga hadlay doorkii ay Ciidanka AUSSOM ka qaateen sugidda amniga magaalada Baraawe iyo deegaannada hoos yimaada, iyo wada-shaqeyntii ay la lahaayeen hay’adaha amniga Dowladda Koonfur Galbeed iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyey Taliyaha Guutada 45-aad iyo ciidamadiisa dadaalladii ay ka geysteen ilaalinta amniga, nabadda iyo xasilloonida deegaannada ay ka howlgaleen.

Sidoo kale, Hoggaamiyaha ayaa bogaadiyey iskaashigii iyo wada-shaqeyntii dhexmartay Ciidanka AUSSOM iyo hay’adaha amniga Dowladda Koonfur Galbeed, isaga oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii wadidda dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here