Home WARARKA MAANTA Madaxweyne Xasan Sheekh oo markale u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo markale u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya

1
0

Isniin  16 Nov 2026 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale u taagan Xilka uu hayo ee dalka ugu sarreeya isaga oo u tartami doonno markiisii 4aad oo saddexdii jeer ee horay labo kamid ah ku guullaystay Xilkaan

Sida uu caddeeyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Maraykanka, Cali Cumar Balcad, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kamid ah musharrixiinta u xusul duubaysa raadinta Xilka uu hadda hayo ee Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Cali Balcad oo Wareysi gaar ah siiyay Teleefishinka Aljazeera ayaa tilmaamay in Madaxweynuhu uu xaq u leeyahay in uu kamid noqdo musharrixiinta isaga oo dalka soo maamulay labo muddo xileed oo wadarta isu gayntoodu noqonayso 9 sano.

“Madaxweynaha xaq ayuu u leeyahay inuu tartamo sida ku xusan Dastuurka, wuxuu leeyahay qorshayaal cad iyo barnaamijyo badan oo uu doonayo inuu dhammaystiro” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad oo ka jawaabay su’aal uu waydiiyay Wariye katirsan Aljazeera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here