Home WARARKA MAANTA Mw Xasan Sheekh Oo Dhagax-Dhigay Dhismaha Jaamacadda Difaaca Qaranka Iyo Dib-U-Dhiska Isbitaalka...

Mw Xasan Sheekh Oo Dhagax-Dhigay Dhismaha Jaamacadda Difaaca Qaranka Iyo Dib-U-Dhiska Isbitaalka Ciidanka

2
0

Axad  15  Nov 2026 {CBB}Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhagax-dhigay dhismaha Jaamacadda Difaaca Qaranka, taas oo loogu talagalay tayeynta aqoonta iyo xirfadaha saraakiisha iyo ciidamada Soomaaliyeed.

Jaamacadda ayaa loo dhisayaa qaab casri ah, waxaana ay ka koobnaan doontaa kulliyado kala duwan, xarumo cilmi-baaris, goobo tababar iyo adeegyo kale oo lagama maarmaan u ah waxbarashada heer jaamacadeed. Dowladda Shiinaha ayaa Soomaaliya ka taageeraysa hirgelinta mashruucan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhagax-dhigay dib-u-dhiska Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaas oo ka koobnaan doona saddex dabaq, isla markaana loo qalabeyn doono adeegyada caafimaad ee looga baahan yahay isbitaal casri ah, si loo xoojiyo daryeelka caafimaad ee ciidamada iyo dadka kale ee adeegga ka hela.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed dadaallada ay ku bixinayaan dib-u-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha ciidamada, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, tababarka iyo daryeelka caafimaadka.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa dib u hawlgeliyey Hoggaanka Dhismaha Taliska Taakuleynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo dardargeliyo dhismaha, dayactirka iyo horumarinta kaabayaasha ciidamada.

Mashaariicdan ayaa qayb ka ah qorshayaasha lagu horumarinayo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha ciidamada iyo tayeynta adeegyada caafimaad ee ay helaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here