Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Kgs Oo Kormeer Ku Sameeyay Goobaha Dakhliga Ee Baydhabo

Sawiro;-Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Kgs Oo Kormeer Ku Sameeyay Goobaha Dakhliga Ee Baydhabo

2
0

Axad  15  Nov 2026 {CBB}Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Gobaleedka  Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Axmed Abukar Cabduwaab, oo uu wehelinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Cali Cabdi Aadan, iyo Agaasimaha Waaxda Dakhliga, Cabdullaahi Cabdinuur Maxamed, ayaa kormeer shaqo ku tagay xarumaha dakhliga ee magaalada Baydhabo.

Goobaha uu wafdigu kormeeray waxaa ka mid ahaa kastamka Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud, baraha canshuuraha gaadiidka iyo xafiiska Waaxda Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda.

Intii uu kormeerku socday, Wasiir Ku-xigeenka ayaa warbixin ka dhageystay Agaasimaha Waaxda Dakhliga, kaas oo faahfaahin ka bixiyay habsami-u-socodka howlaha waaxda, ururinta dakhliga gudaha, guulaha la gaaray iyo caqabadaha jira.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xog ka dhageystay shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta ka howlgala goobaha dakhliga, isaga oo wax ka weydiiyay habraacyada shaqada, nidaamka canshuuraha iyo dadaallada lagu horumarinayo dakhliga gudaha.

Wasiir Ku-xigeenka ayaa shaqaalaha ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta hufnaanta, daacadnimada iyo isla-xisaabtanka, isaga oo faray inay waajibaadkooda u gutaan si waafaqsan shuruucda iyo nidaamka maaliyadeed ee dowladda.

Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Cali Cabdi Aadan, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta kormeerka iyo tayeynta maamulka dakhliga, si kor loogu qaado dakhliga gudaha, loona helo dhaqaale lagu daboolo baahiyaha adeegyada bulshada iyo qorshayaasha horumarineed ee Dowladda Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyn, Wasiir Ku-xigeenka ayaa bogaadiyay dadaalka shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda, isaga oo ku dhiirrigeliyay inay laba-jibaaraan shaqadooda, ilaaliyaan anshaxa shaqada, muujiyaan xilkasnimo, isla markaana xoojiyaan wada-shaqeynta iyo hufnaanta howlaha maaliyadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here