Home WARARKA MAANTA Sawiro ;-Wasaaradda Haweenka Kgs Oo Baydhabo Ku Qabatay Kulan Lagu Xoojinayo Doorka...

Sawiro ;-Wasaaradda Haweenka Kgs Oo Baydhabo Ku Qabatay Kulan Lagu Xoojinayo Doorka Haweenka Ee Nabad-Dhisidda

2
0

Axad  15  Nov 2026 {CBB}Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Dowladda  Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa magaalada Baydhabo ku qabatay kulan rubuc-sannadeedka saddexaad ah, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iyo horumarinta shabakadaha haweenka ee nabadda.

Kulanka oo ay iska kaashadeen hay’adaha UN Women, UNDP, Barnaamijka Wadajirka ah ee WPP-II iyo Sanduuqa Wadajirka ah ee Soomaaliya, ayaa looga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa awoodda haweenka, loo xoojin lahaa isku-duwidda shabakadaha haweenka, loona ballaarin lahaa ka-qaybgalka haweenka ee geeddi-socodka nabad-dhisidda.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyay doorka haweenka ee ka-hortagga colaadaha, dhexdhexaadinta iyo xallinta khilaafaadka, iyadoo xoogga la saaray muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta, midnimada iyo iskaashiga bulshada.

Ka-qaybgalayaasha kulanka ayaa sidoo kale diiradda saaray sidii haweenku door muuqda uga qaadan lahaayeen hoggaaminta, nabadeynta iyo dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida bulshada.

Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Dowladda Koonfur Galbeed ayaa sheegtay inay sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo awoodda haweenka iyo xaqiijinta ka-qaybgalka buuxa ee haweenka ee arrimaha nabadda iyo horumarinta bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here