Axad 15 Nov 2026 {CBB}Magaalada Baydhabo ayaa lagu qabtay kulan ay isugu yimaadeen masuuliyiinta Xukuumadda Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta dowladda iyo bulshada, iskaashiga dhinacyada kala duwan iyo sidii si wadajir ah looga shaqeyn lahaa sugidda amniga, ilaalinta nabadgelyada iyo xasilloonida guud ee magaalada Baydhabo.
Masuuliyiinta Xukuumadda iyo xubnaha bulshada ee kulanka ka qaybgalay ayaa isla qiray muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn joogto ah oo dhexmarta dowladda iyo shacabka, si loo xoojiyo nabadda, loogana hortago falalka wax u dhimaya amniga.
Sidoo kale, waxaa kulanka lagu adkeeyay in bulshada ay door muhiim ah ka qaadato sugidda amniga, ilaalinta nabadgelyada iyo la shaqeynta hay’adaha amniga.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka dowladda iyo bulshada, si loo xaqiijiyo amni, nabad iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaadda magaalada Baydhabo.








