Isniin 16 Nov 2026 {CBB}Muqdisho: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirweynaha Saddexaad ee Qaranka ee Dabagalka iyo Qiimeynta Soomaaliya (SNMEC 2026), kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta isla-xisaabtanka, cabbiridda waxqabadka dowladda iyo qiimeynta natiijooyinka laga gaaray qorshayaasha horumarinta dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in qiimeynta qorshayaasha qaranku aysan ku koobnaan hirgelintooda oo keliya, balse ay muhiim tahay in la cabbiro natiijooyinka la taaban karo ee ay bulshada u horseedaan. Waxa uu xusay in dowladda looga baahan yahay inay soo bandhigto waxqabad cad oo lagu xaqiijin karo xog iyo caddeymo sugan.
Waxa uu tusaale u soo qaatay kobaca dhaqaalaha dalka, horumarinta adeegyada bulshada, kordhinta tirada ardayda iyo macallimiinta la shaqaaleysiiyay, ballaarinta xarumaha caafimaadka iyo maalgashiga laga hirgeliyay dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay dib-u-habeynta hay’adaha dowladda iyo xoojinta nidaamka isla-xisaabtanka, isaga oo sheegay in Xukuumaddu hirgelisay hannaan casri ah oo lagu dabagalo laguna qiimeeyo waxqabadka wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu bogaadiyay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka hirgelinta nidaamka elektaroonigga ah ee e-NIMES, kaas oo lagu dardargelinayo dabagalka iyo qiimeynta mashaariicda horumarineed ee dalka, isla markaana fududeynaya helitaanka xog sax ah oo lagu kalsoonaan karo.
Waxa uu hay’adaha dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada ugu baaqay inay xogta waxqabadkooda ku soo gudbiyaan waqtigeeda, halka bahwadaagta horumarinta uu ku dhiirrigeliyay inay taageeradooda waafajiyaan mudnaanta qaranka iyo qorshayaasha dowladda.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in xogta sugan iyo caddeymaha lagu kalsoonaan karo ay saldhig u yihiin go’aan-qaadashada, qorsheynta miisaaniyadda iyo horumarinta adeegyada bulshada, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ka-qaybgalka jaamacadaha, cilmi-baarayaasha iyo dhallinyarada xirfadlayaasha ah.








