Isniin 16 Nov 2026 {CBB}Baydhabo: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sayid Axmed Abukar, oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cali Cabdi Aadan, ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay masuuliyiinta wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee Dowladda Koonfur Galbeed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray diyaarinta Miisaaniyadda Koonfur Galbeed ee sannadka 2027, iyadoo si gaar ah looga hadlay qorshayaasha iyo baahiyaha wasaaradaha, mudnaanta adeegyada bulshada iyo sidii loo diyaarin lahaa miisaaniyad ka tarjumaysa baahiyaha dhabta ah iyo qorshayaasha horumarineed ee dowladda.
Masuuliyiinta ka qeybgalay kulanka ayaa is-weydaarsaday aragtiyo iyo talooyin ku saabsan sidii loo xaqiijin lahaa in miisaaniyadda sannadka 2027 ay noqoto mid ku saleysan qorsheyaal cad iyo mudnaanta hay’adaha dowladda.
Wadatashigan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Koonfur Galbeed ay ku xoojinayso hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo ka-qaybgalka wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda ee diyaarinta miisaaniyadda sannadlaha ah.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa kulamadan wadatashiga ah ku dooneysa in la helo miisaaniyad si wanaagsan uga jawaabta baahiyaha dowladda iyo adeegyada ay bulshada u baahan tahay.








