Sabtii 07 Dec 2024 {CBB}Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Axmed Maxamed Islaam Madoobe ku dhaliilay in uu ka gaabiyay wax u qabashada Dowlad-Goboleedka Jubbaland isla markaana uu dardargelinayo dagaal uu la galo Dowladda Dhexe.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in sanadkii 14aad uu Axmed Madoobe u socdo muddada uu maamulayo Dowlad-Goboleedka Jubbaland balse uu ka caga-jiiday qabashada deegaannada ka maqan Maamulkiisa.
“13 sano oo sanadkii 14aad ayaa u socda Axmed hal tuulo oo kamid ah Gobolka Jubada Dhexe wuu xorreyn waayay, Kismaayo dhinac wuu uga bixi waayay, weligiis uma dhaqaaqin in uu ‘AS’ la dagaalamo, Hub waxa uu helay ee Caalamka siiyay Bakhaaro ayay uga jiraan, hadda ayuu lasoo baxay markii la yiri Ciidanka Federaalka ayaa lala diriraa” MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxa uu sharraxay qaabkii uu Axmed Madoobe uga baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku garnaqsaday in isku day weliba ay sameeyeen si looga fogaado in wadahadalka lagu kala tagay balse uu meel adag ka istaagay.
“Wuu tagay Axmed, markii uu tagay waan wacnay oo waxa aan ku dhahnay aan kuu imaanno oo meesha aad joogtid aan kugu imaano wuu diiday, waxa aan ku dhahnay anaga oo wada socono aan Kismaayo kugu imaano wuu diiday waxaana uu dhahay arrimo ayaan ku mashquulsanahay, ilaa markii dambe uu teleefanka naga qaban waayay” MW JFS.
Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa meesha ka saaray in Ciidanka Federaalka laga hor istaago la wareegista goobaha ay isaga baxaan Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, sababta ciidanka loo geeyay Gobolka Jubada Hoose ayuu ku sifeeyay in arrintaas ay tahay.
Muddada uu Axmed Madoobe maamulayo Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh sheegay in uusan weligiis tagin Gobolka Gedo oo kamid ah saddexda Gobol uu ka kooban yahay Dowlad-Goboleedkaas.
“Axmed 13 sano ayuu Madaxweyne ka yahay Jubbaland, Gedo weligiis ma tegin, reer Gedo inta wareysanay ayay nagu dhaheen ma waxa aad rabtaan in aad kala tagtaan Dowlad-Goboleedka Jubbaland waxa ay sheegeen in aysan dooneyn arrintaas balse hoggaanka Ninkaan ayaa dacwo ka nahay” Xasan Sheekh Maxamuud, MW JFS.