Home WARARKA MAANTA Dowladda Soomaaliya “Itoobiya waxa ay Gobolka Gedo kawadaa iska hor keenidda Beelaha...

Dowladda Soomaaliya “Itoobiya waxa ay Gobolka Gedo kawadaa iska hor keenidda Beelaha halkaas Deggen”

10
0

Jimco 06 Dec 2024 {CBB}War kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa looga falceliyay Ciidanka Itoobiyaanka ah ee Saacadihii lasoo dhaafay soo galay qaybo kamid ah Gobolka Gedo, Dowladdu waxa ay ku tilmaamtay faragelin cad oo Xukuumadda Addis Ababa sameysay.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ujeedka Ciidankaas ay usoo galeen Dalka ku micneysay in Xukuumadda Abiy Ahmed ay dooneyso sidii ay isaga horkeenni lahayd Beelaha Walaalaha ah ee dega Gobolka Gedo.

 

 

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa tallaabooyinka guracan ee Dowladda Ethiopia ay ka waddo Gobolka Gedo, oo ay isaga horkeeneyso beelaha halkaa deggan, taas oo qeyb ka ah faragelinta maamulka Addis Ababa ee ka dhanka ah madaxbanaanida iyo qaranimada Soomaaliya” ayaa lagu yiri warka.

 

“Saaka ayaa ciidamo Ethiopian ah oo ka soo baxay degmada Doolow ayaa u soo dhaqaaqey dhanka degmada Buulo Xaawo, hase yeeshee waxaa ka hor yimid dadka degaanka iyo Ciidamada Qalabka Sida oo u diiday inay ku soo ruqaansadaan Buulo Xaaawo” aya lasii raaciyay qoraalka.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay qaadeyso tallaabooyin ay kaga hortageyso xadgudubka qaawan ee Itoobiya ku sameyneyso Madaxbannaanida, Wadajirka iyo xushmad darrada ay u muujineyso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay diyaar u tahay difaaca madaxbanaanida iyo qaranimadeeda, waxayna ugu baaqeysaa beesha caalamka oo ay ugu horeeyaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika inay cambaareeyaan falalkan gurracan ee Ethiopia ee wax u dhimaya nabadda gobolka iyo caalamka intaba” ayaa lagu yiri warkaan kasoo baxay DFS.

 

Itoobiya ayaa ciidamo badan soo gelisay Soomaaliya kuwaas oo muuqaalladii laga duubay ku faafay Baraha Bulshada, waxa ay tallaabadaan kusoo beegantay iyada oo weli ay taagan tahay xiisadda ka dhalatay xadgudubka Xukuumadda Abiy ay ku sameysay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here