Jimco 06 Dec 2024 {CBB}Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad-Goboleedka Jubbaland Sarreeye Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal iyo mas’uuliyiin la socota ayaa Degmada Doolow ee Gobolka Gedo ka billaabay kulamo gaar gaar ah.
Guddoomiyaha Degmada Doolow iyo mas’uuliyiin kale oo socodka ku wehlisa Wasiirka Amniga Dowlad-Goboleedka Jubbaland Yuusuf Dhuumaal ayaa qaybaha kala duwan ee Bulshada kala hadlaya sidii loo garabsiinaa Dowlad-Goboleedkaas.
Sida ay Mustaqbal kasoo xigay ilo kala duwan, kulankaan waxa uu daba socdaa kulamo kale oo looga hadlayo sidii loo muujin lahaa Awoodda Dowlad-Goboleedka Jubbaland ay ku dhex leedahay deegaanno katirsan Gobolka Gedo.
Dhuumaal ayaa diiradda saaraya arrimaha la xiriira sidii loo diyaarin lahaa ciidamo lagu xoojinayo Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland ee is ballaarinta kawada degmooyin katirsan Gobolka Gedo.