Home WARARKA MAANTA Wasiirka Maaliyadda XFS “Soomaaliya muddo sanad ah ma qaadan Dayn”

Wasiirka Maaliyadda XFS “Soomaaliya muddo sanad ah ma qaadan Dayn”

4
0

Sabtii 14 Dec 2024 {CBB}Muddo sanad ah ayaa laga joogaa markii Soomaaliya laga cafiyay Dayntii lagu waqti dheer, Dowladda Federaalka ayaa soo dhexmartay mowjado shuruudo ah oo ugu dambeyn ka gudubkeeda u sahashay in laga dhaafo Dayntaas.

Wasiirka Wasaaradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay ku dhowaad 10 sano lala tacaalayay ka gudubka shuruudahaas la hor dhigay Dalka si looga dhaafo Dayntaas ku waqti dheeraatay ee caqabadda ku noqotay.

Biixi Iimaan ayaa intaas ku daray Dayn Cafintu ay dhalisay in isku tiirsanaan dhinaca Soomaalida dhexdheeda ah timaado oo dhaqaalaha ama dakhliga Dowladda Federaalka la hagaajiyo si looga maarmo dayn cusub oo loo baahdo.

“Maanta oo kale sanad ka hor, waxa ay ii ahayd sharaf in aan goob joog u ahaado iyadoo uu na wehliyo Madaxweynaha JFS Mudane Hassan Sheikh Mohamud guul taariikhi ah oo ay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed gaareen taas oo aheyd in nalaga cafiyay deyn gaaraysay 5-Bilyan oo Doolar, taas oo cuuryaamisay horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, Xiligaasi waxa uu ahaa gaba gabada halgankii dib-u-habaynta Maaliyadda oo lagu guulaystay kadib muddo toban sano ku dhow oo uu soconayay” Biixi Iimaan Cige.

Waxaa la baabi’iyay magacyadii ay ku bahoobeen Dalalka Daynta ku lahaa Soomaaliya sida Naadiga Paris, halka Dowladdu kulamo gaar gaar ah la qaadatay Waddamada aan xubnaha ka ahayn Ururkaas oo ugu dambeyn guullo muhiim ah ka gaartay sida uu sheegay Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Iimaan Cige

“Sannad ka dib, waxa aan si guul leh u wada xoojinay oo aan ku heshiinnay baabi’inta deymaha ay la haayeen dalalka ku midaysan magaca 𝐍𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐏𝐚𝐫𝐢𝐬 oo aan saxiixnay heshiisyo is xig-xiga, sidoo kale waxa aan wadiiqo lamid ah taas oo kale la galnay dalalka aan ka midka aheyn Naadiga ee loo yaqaano 𝐍𝐨𝐧𝐏𝐚𝐫𝐢𝐬 𝐂𝐥𝐮𝐛, intaasi waxaa sii dheer iyada oo ay jiraan caqabado dhaqaale hadana wax deyn cusub ah Dowladda Soomaaliya ma galin muddadaas Sanad ka ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Maaliyadda XFS.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay xoogga saareyso sidii ay uga maarmi lahayd dayn cusub oo soo qaadato, si loo dhaqangeliyo qorshahaas waxaa loo baahan yahay in la xoojiyo dakhliga gudaha ee kabka u noqonaya lacagaha ay u baahan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here