Home WARARKA CAALAMKA Turkiga oo dhexdhexaadinaya Suudaan & Imaaraatka Carabta

Turkiga oo dhexdhexaadinaya Suudaan & Imaaraatka Carabta

5
0

Sabtii 14 Dec 2024 {CBB}Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoan ayaa doonaya sidii uu u dhexdhexaadin lahaa Dowladaha Suudaan & Isutagga Imaaraatka Carabta oo xiisaddooda salkeedu tahay in Xukuumadda Abu Dhabi lagu eedeeyay in ay garabsiiso Kooxda RSF.

Wararka soo baxaya waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Turkiga Erdogan uu kulan arrimahaaan la xiriira la qaadan doonno madaxa ugu sarreeya Maamulka Dowladeed ee laga aqoonsan yahay Dalkaas uuna hoggaamiyo General Abdel Fattah al-Burhan.

Turkiga oo ku guuleystay dhexdhexaadinta Dalalka Soomaaliya & Itoobiya ayaa markaan usoo jeesatay in ay damiso Dabka colaadeed ee ka dhex shidan Suudaan oo dhacda Waqooyiga Qaaradda Afrika iyo Imaaraatka oo Khaliijka ah.

Fallaagada RFS ayaa ku tiirsan isutagga Imaaraatka Carabta, dagaalka culus oo ay ku beegsatay Magaalada Khartuum si ay afka ciidda ugu darto Dowladda awoodda maamul heysata ee Dalkaas ka dhisan inkasta oo fashilmeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here