Khamiis 26 Dec 2024 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud iyo dhigiisa dalka Eratariya ayaa kulan gaar ah ku yeeshay Aqalka Madaxtooyadda dalkaasi ee Asmara.
Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada iyo sidii loo kordhin lahaa Iskaashiga dhinacyada Amniga ee dalalka.
Sidoo kale, waxaa ay hoosta ka xariiqeen in ay ku dadaalayaan xasiloonida gobolka iyo Badda Cas.
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa Eratariya uga mahad celiyay dadaallada ay ku bixineyso xoojinta ciidamada qaranka qeybahooda kala duwan oo tababarka uga socda dalkaasi.
Dhinaca kale, Madaxweyne Isaias ayaa ku dheeraaday sida ay lagama maarmaanka u tahay in labada dal ay iska kaashaadaan ka hortagista faragalinta iyo hurinta colaadaha gobolka.
Madaxweyne Isaias oo sii hadlaya ayaa ku celceliyay in heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee Asmara ku dhexmaray Madaxda Soomaaliya, Eratariya iyo Masar uu kaliya la xiriiro Iskaashi iyo ilaalinta xasiloonida gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas.
Wada hadallada Madaxweyne Xasan Shiikh iyo dhigiisa Erateriya ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan heshiis ay gaareen dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasi oo lagu soo afjaray xiisadda taagneyd ku dhawaad sannadka.