Axad 29 Dec 2024 {CBB}Guddiga Arrimaha Qoyska, xuquuqul insaanka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Golaha Wakiilada KGS ayaa kulan ku yeeshay Hoolka Shirarka Guddiyada ee Baarlamaanka KGS.
Gudoomiyaha Guddiga Xil. Bishaaro Ali Nur oo ay wehliyaan Gudoomiye kuxigeenka Guddiga iyo xubnaha intooda kale ayaa shirgudoomisay kulanka oo Ajendihiisu ahaa Aqrinta iyo falanqeynta Sharciga Xuquuqda Naafadda oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Haweenka DKGS Hadane horyaala Baarlamaanka.
Intaas kadib, xubnaha Guddiga ayaa ka dooday qodobada qaar ee Sharciga iyagoo su’aalo iyo sharaxaad dheeri ah ka weydiiyay Wasiirka Wasaaradda Haweenka DKGS Marwo, Nasro Aweis Hussein oo ay wehliyaan Lataliyaasha Wasaaradda oo Kulankaasi goobjoog ahaa.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Guddiga ayaa soo xirtay Kulanka ayadoo sheegtay in warbixinta Guddiga la hor geyn doono fadhiga Guud ee Golaha














