Home WARARKA MAANTA SAWIRO;-GOLAHA WAKIILADA DOWLADDA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA AYAA ANSIXIYAY MIISAANIYADDA DKGS EE SANADKA...

SAWIRO;-GOLAHA WAKIILADA DOWLADDA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA AYAA ANSIXIYAY MIISAANIYADDA DKGS EE SANADKA 2025-KA.

130
0

Isiin 30 Dec 2024 {CBB}Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Mudane, Maxamed Nur Maxamed Macallin ayaa Shir-Guddoomiyay Kalfadhiga 8aad Kulankiisa 4aad ee Golaha Wakiilada oo Ajandihiisu ahaa Meelmarinta Miisaaniyadda 2025-ka.

Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa ka dooday Miisaaniyadda 2025-ka iyagoo Tallooyin iyo Su’aalo ka weydiiyay Wasiirka Maaliyadda.
Wasiirka Wassaaradda Maaliyadda KGS Mudane, Ahmed Mohamed Hussein ayaa ka jawaabay dhamaan weydiimihii ay Xildhibaanadu weydiiyeen.
Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha ayaa cod gacan taag ah geliyey Miisaaniyadda, waxaa Oggol u codeeyay 59 xildhibaan wax diiday ama ka aamusay ma jirin.
Wasiirka Wassaaradda Maaliyadda ayaa ugu mahadceliyay Xildhibaanada Ansixinta Miisaaniyadda 2025-ka.
Ugu dambeyn Kusimha Guddoomiyaha ayaa soo xiray Kalfadhiga 8aad Kulankiisa 4aad ee Golaha Wakiilada.
May be an image of 3 people and people studying
May be an image of 3 people and newsroom
May be an image of 16 people
May be an image of 7 people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here