Home WARARKA MAANTA Soomaaliya & Masar oo kawada hadlaya Ciidanka Qaahira ay ku biirineyso Howlgalka...

Soomaaliya & Masar oo kawada hadlaya Ciidanka Qaahira ay ku biirineyso Howlgalka AUSSOM

106
0

Arbaco 8 Jan 2025 {CBB} —Dowladaha Soomaliya iyo Masar ayaa kulan gaar ah ka leh ciidanka Xukuumadda Qaahira ay uga qaybqaadaneyso howlgalka cusub ee AUSSOM, waxaa kulmaya mas’uuliyiin labada Dal ka socda si ay u saldhigaan qorshahaas.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in 15ka ilaa 17ka Bishaan in Magaalada Qaahira uu ka dhici doonno shirkaan diiradda lagu saarayo howlgalka cusub ee AUSSOM ee billowday sanadkaan 2025.

 

 

Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Cumar (Cali Balcad) ayaa xaqiijiyay kulankaan, waxa uu sheegay in madaxda sare labada Dal ay kawada xaajoon doonnaan sidii loo xoojin lahaa howlgalkaan cusub ee AUSSOM.

Masar ayaa dooneysa in ay kaalin ka qaadato howlgalkaan cusub, waxa ay kamid tahay Dalalka sida cad u soo dalbaday in ay qayb ka noqdaan howlgalkaan, waxaa dhowaan la hadal hayay in laga saarayo maadaama Dowladaha Soomaaliya & Itoobiya ay is faham gaareen.

Tallaabadaan waxa ay meesha ka saareysaa wararka sheegaya in Qaahira loo diiday ku biirista AUSSOM, Ciidamada Masaarada oo caan ku ah ku biirista howlgallada Nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ayaa fursad u heli doonna in la keeno Soomaaliya.

Itoobiya sida muuqata waxa ay qayb ka noqon doontaa howlgalkaan AUSSOM, Masar oo xiisad adag kala dhaxeysa ayaa dhankeeda kusoo biireysa, waxaa meelo badan laga eegayaa waxa ay kusoo kordhiyaan howlgalkaas cusub.

Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-Siisi ayaa dhowaan Wareysi uu bixiyay waxa uu ku sheegay in Dowladdiisa aanay Soomaaliya u taageereyn colaadda kala dhaxeysa Itoobiya darteed balse uu yahay mid soo jireen ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here