Arbaco 8 Jan 2025 {CBB} —Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Jubbaland oo kulan ku yeeshay Magaalada Kismaayo ayaa u codeeyay in waqti dheeraad ah la siiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe uu kusoo magacaabayo Golihiisa Wasiirrada.
Kalfadhiga 1aad, fadhigiisii 5aad oo ay xaadireen 61 Xildhibaan ayay si aqlabiyad ah oo gacan taag ah ugu codeeyeen in Axmed Madoobe uu waqti dheeraad ah u helo Magacaabista Golaha Wasiirrada cusub ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland.
Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Jubbaland oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in muddo labo bil ah lagu kordhiyay muddada lagu soo magacaabayo Madaxweyne Axmed Madoobe.
Doorashadii diidmada ay kala hortagtay Dowladda Federaalka ee Kismaayo ka dhacday 2024 waxaa dib usoo noqday Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe, halka ku xigeennadiisa uu dib usoo magacaabay.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa diiday doorashadaas balse Maamulka Axmed Madoobe ayaa dhegaha ka fureystay, weli ma uusan qabsan xafladda lagu caleemo-saarayo si lamid ah sanadihii hore uu sidaan oo kale doorasho u qabsaday.