Home WARARKA MAANTA Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka horumarinta Beeraha ee Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka horumarinta Beeraha ee Afrika

77
0

sabtii 11` Jan 2025 {CBB} —

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo uu kaga qeyb galay Shirka Sare ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha Afrika (CAADP).

Madashan oo maalmahan ay fadhiyeen Wasiirrada Beeraha dalalka Afrika ayaa Madaxdu waxay ka wada hadleen fulinta qorsheyaasha iyo talooyinka la soo saaray ee ku aaddan horumarinta wax soo saarka beeraha, kor u qaadista dhaqaalaha iyo xaqiijinta amniga cunno ee Qaaradda Afrika.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka, isaga oo soo bandhigay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in la horumariyo wax soo saarka beeraha iyo in laga faa’iideysto kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa kulamo gaargaar ah la qaatay dhiggooda dalalka ka soo qeyb-galaya shirkan.

Madaxweynaha ayaa gaaray saaki Magaalada Kampala ee xarunta Dalka Uganda, si uu uga qaybgalo shirka Beeraleyda ee ka socda Magaaladaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here