Jimco 10 Jan 2025 {CBB} —Madaxweyne ku xigeenka Dowlad-Goboleedka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo ka qaybgalay shir looga hadlay horumarinta iyo dib u dhiska waddooyinka Deegaannada Dowlad-Goboleedkaas si sare loogu qaado dhaqaalaha soo gala Maamulkaas.
Ilyaas ayaa tilmaamay in aanay Dowlad-Goboleedka Puntland u sahlanayn in ay lacag Deyn ah soo qaadato si ay ugu dhisto waddooyinka waa weyn ee socodka fududeeya balse ay xoogga saarayaan isku celcelinta dakhliga gudaha kasoo baxa.
Lugatoor ayaa xusay in ka Dowlad-Goboleed ahaan in ay ka go’an tahay xoojinta fursadaha dhaqaale ee ka dhex muuqda badeecadaha kasoo dega Dekedda Magaalada Boosaaso Xarunta Gobolka Bari ee isbaddelka ka jiro.
Dekedda Garacad ayuu sheegay in sanadkaan 2025 dhisayaan si Marsooyinka ay kusoo xirtaan Maraakiibta & Doomaha ay usii kordhisaan, tallaabadaas ayuu ku sifeeyay in ay qayb ka noqonayaan in dhaqaalaha uu kor u qaadmo.







