Home WARARKA MAANTA Cali Balcad “Safiirka Soomaaliya ee Addis Ababa wixii hadda ka danbeeya waxa...

Cali Balcad “Safiirka Soomaaliya ee Addis Ababa wixii hadda ka danbeeya waxa uu xoogga saarayaa arrimaha Itoobiya & Midowga Afrika”

66
0

Isniin 13` Jan 2025 {CBB} —Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Cali Cumar Balcad ayaa sheegay in Danjiraha Soomaaliya ee Itoobiya uu hadda wixii ka danbeeya xoogga uu saarayo arrimaha Itoobiya iyo Midowga Afrika.

Markii hore ayuu sheegay in Soomaaliya ay diiradda saareysay Midowga Afrika balse wixii haatan ka danbeeya waxa uu Danjiraha ka shaqeyn doonnaa xoojinta cilaaqaadka Muqdisho & Addis Ababa sida uu hadalka u dhigay Wasiiru Dowladaha Arrimaha Dibadda XFS Cali Balcad.

“Safiirka Soomaaliya ee Addis Ababa oo xoogga saari jiray arrimaha Midowga Afrika awal waxa u xooggiisa saarayay AU-da oo wax badan kama qabaneyn arrinta Itoobiya balse hadda kaddib waxa uu xoojinayaa arrimaha Itoobiya” Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS Cali Cumar (Cali Balcad).

Waxa uu sheegay in ay weli socdaan wadahadal lagu gaarayo yoolka ah sidii la isugu dheeli-tiri lahaa howlgalka cusub ee AUSSOM ee Soomaaliya maadaama horay loo kala qaybiyay Dowladaha iyo sida ay ciidamadooda uga qaybgali karaan.

15ka Bishaan oo ah Arbacada ayuu sheegay Cali Balcad in wufuud ka kala socota Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tagi doonnaan Addis Ababa & Qaahira si ay Labadaas Xukuumad ugala hadlaan tirada ciidan ee laga doonayo in ay howlgalkaas kusoo daraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here