Home WARARKA MAANTA Shir saddex geesood ah ay martigalin doonto Magaalada Muqdisho.

Shir saddex geesood ah ay martigalin doonto Magaalada Muqdisho.

1
0

Talaado 14, Jan 2025 {CBB} Magaalada Muqdisho ayaa marti-gelin doonta kulanka labaad ee fulinta heshiisyadii kasoo baxay shirkii saddex geesoodka Asmara.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Ereteriya iyo Masar oo Axaddii kulan ku yeeshay Qaahira, ayaa arrintaan isla gaaray, sida lagu shaaciyay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar.

Kulankaas ayaa u daarnaa sidii ay dib u eegis ugu sameyn lahaayeen fulinta qodobadii ay madaxda saddexda dal ku heshiiyeen intii lagu guda jiray shirkii Asmara ee dhacay 10-kii October 2024.

Kulanka Qaahira ayaa waxaa marti-galiyey wasiirka arrimaha dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, iyadoo uu ka qayb-galay wasiirka arrimaha dibeadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo dhiggiisa Ereteriya, Cusmaan Saalax Maxamed.

Wasiirrada ayaa markaas si gaar ah uga wada-hadlay amniga gobolka, ilaalinta madax-bannaanida dalalka Geeska Afrika iyo Badda Cas iyo weliba taageeridda mabaadi’da sharciga caalamiga ah.

Bayaanka ayaa lagu xaqiijiyey in kulanka labaad ee saddex geesoodka uu ka dhici doono Muqdisho, inkastoo taariikh rasmi ah aan weli la shaacin.

Wasiirradu waxay isku raaceen in ay sii xoojiyaan isku-dubaridka dadaallada lagu xaqiijinayo heshiisyadii Asmara.

Shirka Asmara oo lagu saxiixay bilowgii khilaafkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay is-afgaradkii Somaliland, ayaa diiradda saarayey xoojinta amniga gobolka, ilaalinta madax-bannaanida dalalka iyo in la taageero mabaadi’da aan faragelin gudaha dalalka kale.

Waxaa la filayaa in shirka Muqdisho uu si qoto dheer u faaqidi doono hirgelinta heshiisyada iyo dadaallada lagu taageerayo nabadda gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here