Sabtii 15, Jan 2025 {CBB}Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay in dhibaatooyinka uu dalka ka dhaqaaqi waayay ay qayb ka tahay in Shacabka laga ilaaliyay awoodda Maamulka.
Sababta loo raadinayo hirgelinta Doorasho qof iyo cod ah ayuu ku sifeeyay in awoodda dib loogu celinayo Shacabka si uu u doorto qofka uu rabo isla markaana la xisaabtami karo haddii uu laga waayo waxyaabihii laga filayay.
Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa tilmaamay in Soomaalidu haatan ay ku horgudban tahay labo arrin oo kala ah kala doorashada dadka ka shaqeynaya Doorashada dib awoodda loogu soo celinayo iyo kale oo sheegay in ay daneynayaan in lagu sii jiro Doorasho Dadban.
“Waa Nasiib darro haddii codkaaga uu kala saari waayay qofka raba in uu codka adiga kuusoo celiyo iyo kan doonaya in uu kuu diido, 60 sano waxa uu dalkeenna ka dhaqaaqi waayay waxaa ugu weyn in Dadka Soomaaliyeed laga hor istaagay Talada” Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska XFS Cabdiraxmaan Al-Cadaala.
Xukuumadda Dan-Qaran uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa dhowr jeer ku celcelisay in ay ka go’an tahay hirgelinta Doorashada Qof & Cod ah, waxaa si joogta ah u dhaca kulamada lagu taageerayo doorashadaas.







