Home WARARKA CAALAMKA Paul Kagame, Madaxweynaha Rwanda “Qayb kamid ah Nolosheyda waxa aan kusoo qaatay...

Paul Kagame, Madaxweynaha Rwanda “Qayb kamid ah Nolosheyda waxa aan kusoo qaatay Furimaha Dagaalka”

29
0

Sabtii 25,Jan 2025 {CBB}Madaxweynaha Dalka Rwanda Paul Kagame oo Wareysi gaar ah bixiyay ayaa uga sheekeeyay isbaddelka nololeed iyo tan dalkiisa, waxa uu tilmaamay in kalabar cimriga uu jiro in uu kusoo qaatay difaac ciidan si uu dalkiisa uga saaro dhibaatooyinkii uu soo maray.

Paul Kagame ayaa intaas ku daray in aanay marnaba ku fakiri jirin inkaba dhaafee in uu Madaxweyne ka noqdo Rwanda in maalinta xigta aanay habeenkeeda ku jiiifan jirin in uu nolol ku gaari doonno maadaama xaaladdu adkeyd.

Sababta uu usoo dagaalamay ayuu ku sheegay in uu raadinayay xuquuqda Dadkiisa Rwanda & in ay ka gudbaan caqabadda dulsaarnayd oo haatan dalkiisa dareemayo faa’iidada ka haarsoonayd sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii aan kuu sheego, Nolosheyda kalabar waxa aan kusoo qaatay godadka difaaca ciidanka, ma hubin aan nolol ku gaarayo maalinta xigta waayo xaaladdu way adkayd, waxa aan dalkeyga ugu soo dagaalamay waa in Dadkeyga xuquuqdooda helaan, marnaba kuma fikirin in aan Madaxweyne ka noqon doonno” Paul Kagame, Madaxweynaha Rwanda.

Waxa uu weerar dadban ku qaaday Hay’adaha sheegta in ay u doodaan xuquuqda aadanaha, waxaana uu si cad u sheegay in aanay dad ama dal siin Karin xuquuqda uu leeyahay sidaas awgeed dhabbaha saxda ah ay raaceen reer Rwanda.

Paul Kagame, waa Madaxweynihii afaraad ee Dalka Rwanda soo maray, Xafiiska waxa uu joogaa tan iyo sanadkii 2000, reerkiisu waa Tutsi, xilal kala duwan ayuu kasoo qabtay, Dalkiisa ayuu u horseeday in horumarka maanta uu uga dhex muuqdo Qaaradda Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here