Home WARARKA MAANTA Wasiirka Maaliyadda XFS oo Magaalada Dubia Kaga Qeyb galay Shirka Hey’adaha Maaliyadda...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Magaalada Dubia Kaga Qeyb galay Shirka Hey’adaha Maaliyadda ee Dalalka Carabta

85
0

Isniin 10-02-2025 {CBB}Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige, ayaa ka qeyb galay Shirka Sanadlaha ah ee Hey’adaha Maaliyadda dalalka Carabta,Qeybta Horumarinta Dhaqaalaha Meertadiisii 9-aad oo lagu qabanayo Magaalada Dubai.

Wasiirka Biixi Imaan Cige ayaa furitaankii shirka khudbad ka jeediyay, isaga oo diiradda ku saaray arrimaha horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya iyo qorshayaasha maalgalineed ee mudnaanta gaarka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay sida Dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo casriyeynta ilaha dakhliga gudaha.

Dhinaca kale, Shirkaan ayaa waxaa  khudbad ka jeedisay Kristalina Georgieva oo ah Madaxa Guud ee Hey’adda Lacagta Adduunka IMF, iyada oo dalalka carbeed ugu baaqday in ay abuuraan fursado dhaqaale oo lagu xoojinayo hannaankaka soo kabashada Aafooyinka si  fursado looga dhigayo bulshooyinka soo koraya.

Shirkaan ayaa ah mid sannadla ah oo ay isugu yimaadaan Hey’adaha Maaliyadda dalalka Carabta, isaga oo Meertadiisii 9-aad oo lagu qabtay Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta; iyada oo uu barbar socday  kulanka Sanadlaha ah ee Dowladaha Adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here